Gollaha Wasiirada DFS oo ansixiyay magacaabista Hanti-dhowre cusub

Image

MUQDISHU, Somalia - Gollaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ayaa Kulankiisa maanta ku magacaabay Hanti-dhowre cusub, kadib markii xilka ay ka qaadeen bishii May xilkii ay ka qaadeen Dr Nuur Faarax Jimcaale.

Maxamed Cali Afgooye, ayaa loo magacaabay Hanti dhowaraha qaranka, isagoo bedeli doono Dr Nuur Faarax Jimcaale, oo xilkaasi laga qaadey 4tii May, kadib markii mid kamid ah ilaaladiisa meel ku dhaw Villa Somalia ku dilay Wasiirkii Howlaha Guud iyoo dib u dhiska Cabaas Siraaji bishii May 3.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Somalia Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle, ayaa soo jeediyay magacaabista Hanti dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Cali, kaasi oo ugu dambeyn maanta ay meel mariyeen Gollaha Wasiirada.

Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, oo la hadlay Saxaafada Kulanka kadib, ayaa sheegay in Maxamed Cali Afgooye uu ka yimid dhanka Mareykanka, oo wax kusoo bartay kana soo shaqeeyay mudo dheer arrimaha Xisaabaadka.

Gollaha waxay sidoo kale maanta ka doodeen sidii loo dardargelin lahaa Howlaha Xukuumadda horyaalla, iyagoo markiisan meel-mariyay Sharciyada Biyaha, Caafimaadka iyo Waxbarashada dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM