Goobo loo asteeyay doorashada Aqalka Hoose oo la kormeeray

Image
Image
Image
Image
Illaa haatan, lama soo bandhigin waqtiga saxda ah ee ay qabsoomeyso coddeyntan Golah Shacabka.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Ciro ayaa maanta kormeeray xarumaha loo asteeyay in ay ka dhacdo Doorashadda Gollaha Shacabka ee Koonfur Galbeed.

Sedax (3) hool ayaa loo qorsheeyey in lagu qabto Doorashada Gollaha Shacabka oo wali aan la muddeyn waqtigeeda iyo xarunta laga sugayo Amniga Doorashada inta ay socoto.

Kormeerka waxaa ku wehliyey gudoomiyaha gudiga maamulka Doorashada heer dowlad goboleed Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Yusuf Cabdiqadir Maxamed iyo xubno ka tirsan gudiyada Doorashooyinka oo maal mahan howlo shaqo u jooga Baydhabo, 

Gudiyada Doorashooyinka ayaa sidoo kale Kulan la yeeshey odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, isla markaana lagu war geliyay in dhawaan ay bilaaban doonan Doorashada Gollaha Shacabka ,waxana odayaasha dhaqanka ay kula dar-daarmeen in ay u cadaalad falaan musharaxiinta tartamaya.

Ugu danbayn, gudiyada Doorashooyinka heerar kooda kala duwan ayaa kulan is-xogwareysi ah kula yeeshey xaruunta  Amniga Doorashooyinka sarakiisha ciidamada booliska qeybahooda kala duwan kuwaas oo hada ku howlan sugida Amniga Doorashooyinka .

Gudoomiyaha GHDHF Maxamed Xasan (Ciro) ayaa cod dheer wuxuu ku bogaadiyey qaabka wanaagsan ee loo diyaariyey hoolalka iyo sugida Amaanka Doorashada.

Sarakiisha ciidamada booliska qeybahooda kala duwan ayuu si adag wuxuu ka codsadey in ay guddiga maamulka Doorashada Koonfur Galbeed kala shaqeeyaan sugida amniga, ergooyinka iyo goobaha codbixintu ay ka dhacayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM