Goorma ayaa la magacaabayaa Taliyeyaasha Booliska iyo NISA?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in maanta ay ku yeeshaan Villa Soomaaliya kulan aan caadi ahayn, oo looga hadlayo arrimo xasaasi ah.

Warar hoose oo Warsidaha Garowe Online uu helayo ayaa sheegaya in ajandooyinka kulanka uu kamid yahay inay ansixiyaan magacaabidda Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad Sugida.

Wali lama oga magacyada mas'uuliyiinta loo magacaabay jagooyinka, balse waxay wararka qaar ay sheegayaan in Taliyaha NISA laga dhigayo Cabdi Jiirow Calasow oo horey usoo noqday Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale, Taliyaha Booliska ayaa la filayaa in loo magacaabo Jeneraal Axmed Taajir oo kamid ah Saraakiisha Booliska, sidoo kalane soo noqday Taliy ku xigeenka Booliska xilligii dowladdii Allah ha u naxariistee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf.

Waxaa laga yaabaa inay wax iska bedelaan Macluumaadka uu helay Garowe Online marka la shaaciyo magacaabista Xilalkan oo banaanaa tan iyo bishii October ee sanadkii tagey, kadib markii laga qaaday Saacid iyo Sanbaloolshe oo lagu dhaliilay waxqabad la'aan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra'iisul Wasaare Khayre iyo Agaasiimaha Villa Soomaaliya Fahad Yaasiin ayaa mudooyinkii dambe ka doodayay cida loo magacaabayo Xilalka Taliyeyaasha Booliska iyo NISA.

Hay'adahan oo muhiim u ah suggida amniga iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada ayaa lagu eedeynayey wayadaan dambe in lugaha la gashey arimo ka baxsan howlaha loo igmadey iyadoo kooxaha mucaaradka horey u sheegeen in  bartilmaameed ka dhigato dadka siyaasada kaga soo horjeedo Dowlada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM