Goorma ayuu furmayaa Kalfadhiga Baarlamaanka Soomaaliya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in 10-ka bishan Maarso uu furmi doono Kalfadhiga 3-aad ee labada golle [Gollaha Shacabka iyo Aqalka Sare].

Madaxweynaha dowladda Soomaalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furi doono Kalfadhiga, isagoo u jeedin doono Khudbad Xildhibaanada labada Aqal waxaana xafladda furitaanka lagu qaban doonaa Machadka Tababarka Booliska General Kaahiye.

Farmaajo ayaa la filayaa in Khudbadiisa uga warbixiyo Xaaladda dalka, gaar ahaan amniga iyo horumaridii ay sameysay dowladdiisa mudadii labada bilood ee ay fasaxa ku maqnaayeen Xildhibaanada Baaralaamanka dalka.

Furitaanka Kalfadhiga 3-aad ayaa kusoo beegmaya xilli Al Shabaab ay kordhisay weerarada sidoo kalena uu khilaaf badan ka taagan yahay Canshuur cusub oo ay Wasaaradda Maaliyadda kusoo rogtay Ganacsatada Muqdisho iyo Gunooyinka Xildhibaanada.

Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegtay dhawaan inay diyaarisay Hindise sharciyeedyo dhowr ah oo ay doonayso inay u gudbiso Baarlamaanka, si ay u meel-mariyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM