Griffiths: Caalamka waxaan u sheegayaa in Soomaaliya dimuqraaddi tahay

Image
Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bini'aadannimada ayaa la kurmay Ra’iisul wasaaraha.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bini'aadannimada, Martin Griffiths.

Xamse iyo Griffiths ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen wada shaqeynta iyo xiriirka hay’adaha Dowladda iyo kuwa Qaramada Midoobay ee la xiriira arrimaha Gurmadka Abaaraha iyo samafalka.

"Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in xukuumaddu ay mudnaan gaar ah siinayso arrimaha gurmadka abaaraha iyo u diyaar garowga sidii xal waara looga gaari lahaa abaarta soo noqnoqtay," ayuu yiri xafiiskiisa.

War-saxaafadeedka xafiiska wasiirka koowaad ayaa la raaciyey: "Iyadoo ay Dowladdu xooga saari doonto, buu yiri sidii loo heli lahaa qorshayaal fog oo looga hortagayo abaaraha".

Dhanka kale, Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bini'aadannimada, ayaa sheegay in farriinta uu u qaadi doono caalamka ay tahay in Dowladda Soomaaliyeed ay tahay mid Dimuqraaddi ah.

"Isla markaana leh siyaasado fadhiya oo ay wax ugu qabaneyso shacabkeeda – caalamkana uu ka codsan doono in gacan la siiyo Soomaaliya xilligan adag ee ay ku jirto," ayaa la raaciyey bayaanka xafiiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM