Guddi cusub oo loo magacaabay Weerarkii Guriga Cabdi Qeybdiid [DAAWO]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magacaabay gudi cusub oo u xil-saareen baaritaan inuu ku sameeyo weerarkii Ciidamada NISA ku qaadeen sanadkii tagey Guriga Senator Cabdi Qeybdiid.

Gudigan oo ka kooban 5 xubnood, ayaa waxay magacaabistooda ka dambeysay markii uu Senator Cabdi Qeybdiid oo ku kalsoonaan waayay Gudi horey uu Madaxweyne Farmaajo ugu xil-saarey Kiiska weerarka Gurigiisa lagu qaadey 30-kii Defember, 2017.

Magacyada Gudiga:

1 - Axmed Xaashi Maxamuud

2 - Cabdullaahi Cabdi Garuun

3 - Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil [Fartaag]

4 - Cabdirisaaq Axmed Cali

5 - Maxamed Amiin Sheekh

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare Cali Maxamed Jaamac ayaa Warbaahinta u akhriyay Magacyada ayaa sheegay in magacaabista ay timid kadib markii ay maanta kulan ku yeesheen Xarunta Senate-ka, oo looga dooday arinta weerarka.

Cabdi Qeybdiid oo ah Gudoomiyaha Gudiga isku-dhafka labada Gollee ee Baarlamaanka ee dib u eegista Dastuurka Federaalka, ayaa horey u sheegay in gudigii Farmaajo magacaabay uusan ka helin warbixin ku aadan natiijada baaritaanka uu sameeyay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalintii uu dhacay weerarka sheegay in cid kasta oo ku lug yeelata falka lala tiigsan doono sharciga, isagoo Taliyaha Ciidamada Xoogga ku amray inuu baaritaan deg deg ah ku sameeyo weerarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM