Guddi hoosaadyada barlamanka DF oo su'aalo weydiiyey siddeed wasiir

Image

May 12, 2015 (GO)- Xarunta Villa Hargeysa oo ay ku yaalaan xafiisyada Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiyada ayaa waxaa maalintii seddexaad ka soconaya kulammo howleedyo ay guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka qaarkood su’aalo ku weydiinayaan Wasiirrada  Xukuumadda iyadoo maantana loo yeeray siddeed Wasiir si wax looga weydiiyo qorshe howleedka Wasaarradaha ay maamulaan.

Guddoomiyaha Barlamanka Dowladda Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shir guddoomiyey kulan guddi hoosaasyada barlamaanku su'aalo ku weydiiyeen Maxamed Xasan Aadan oo ah  Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha; Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa  Saciid  Xuseen Ciid oo uu wehliyey Wasiir ku xigeenkiisa.

Waxaa sidoo kale maanta su'aalo la weydiiyey Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Maxamed Mukhtaar Ibraahin iyo Wasiirka Wasaarradda Dastuurka  Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen.

Afhayeenka Baarlamaanka ayaa sheegay inay muhiimad weyn ku fadhiyaan la xisaabtan xukuumadda si loo qiimeeyo waxqabadka wasaarad walba, maadaama barlamanka arrintaas mas'uuliyadi ka saaran tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM