Guddiga abaaraha Somalia “Waxaan aruurinay in kabadan 2 Milyan oo deeq ah”

Image

MUQDISHU, Somalia - Xildhibaanada Barlamanka Federaalka Somalia ayaa maanta kulan ay ku yeesheen xarunta gollaha shacabka waxayna warbixin ka dhagaysteen guddiga abaaraha dalka.

Guddiga abaaraha Somalia ayaa sheegay inay soo aruuriyeen tan iyo markii la magacaabay December lacag gaaraysa $2,481,043 (Labo Milyan, Afar boqol iyo sideetan iyo kow kun iyo afartan iyo saddex doolar).

Prof Yaxye Cali Ibraahim, oo xubin ka ah Gudiga abaaraha ayaa sheegay in lacagtan ay intooda badan u qeybiyeen maamul goboleedyada dalka iyo Barakacayaasha ku sugan gudaha iyo duleedka Muqdishu.

Fadhiga maanta oo uu shir-gudoomiyaha Afhayeenka golaha Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa waxaa soo xaadiray 192 Mudane.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale loo soo bandhigay liiska guddiyada joogtada uu yeelanayo Barlamanka Somalia.

Arrintan ayaa timid xilli wali uu furanyahay Kalfadhiga Barlamanka dalka oo ahaa kii ugu horeeyay ee yeeshaan xildhibaanada 9-aad ee dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM