Guddiga madaxda u tahay Xaliima Yarey oo mudada loo kordhiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya oo Talaadada maanta ah fadhi ku yeeshay Muqdisho ayaa wax ka bedel ku sameeyay sharciga lagu aas-aasay Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Wax ka bedelkaas ayaa si gaar ah u khuseeya xilheynta guddiga oo ah lix sano oo aan la kordhin karin. Balse, mudaneyaasha Aqalka Hoose waxay u cusbooneysiiyeen in ay sii shaqeeyaan lixda sano ee soo aadan.

Sidda uu ku dhawaaqay shir guddoonka golaha oo ahaa Mahad Cabdalla Cawad, gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, 145 sharci-dejiyeyaal oo xaadirtey fadhigii maanta ayaa meelmarisay muddo kordhinta.

Muddo xileedka guddiga doorashooyinka qaranka ee ay hogaamiso Xaliima Yarey ayaa dhacaya Julaayo, 2021. Ma cadda sababta loosoo dedejiyey kordhinta isla markaana Golaha waqtiga ka dhacay ugu cusbooneysiiyey mudada.

Guddiga ay hogaamiso Xaliima Yarey ayaa ku guuldareystay in uu waddanka hirgeliyo doorashooyin Qof iyo Cod ah oo loo balansanaa in ay waddanka qabtaan dhamaadka sanadkan 2020 iyo horaanta xagaaga dambe 2021-ka.

Talaabada uu baarlamaanka xil-sii-gaarsiinta mudada ugu kordhiyey guddiga Xaliima Yarey ayaa la sheegay in ay gedaal ka riixayeen Xildhibaano taabacsan madaxweyne Farmaajo oo ku dhegan geedi-u-socod hal dhinac ah.

Midowga Musharaxiinta oo qorshahaas ka hor-yimid ayaa ku adkeysanaya in xal loo helo tabashooyinka taagan si gaar ah guddiyada ay ku jiraan shaqaalaha rayidka, saraakiisha NISA iyo in ciidanka dowlada laga saaro Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM