Guddiga doorashada Afhayeenka Gollaha Shacabka oo la magacaabay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdiweli Muudey, ku-simaha Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay Gudiga qaban-qaabada doorashada Afhayeenka Gollaha.

Gudigan oo ka kooban 15 xubnood oo loo qeybiyay shanta beelood ee Soomaaliya, iyadoo beel kasta loo qoondeeyay 3 xubood, oo laga soo xulay Xildhibaanada Gollaha Shacabka.

Magacaabida Gudigan ayaa lagu ansixiyay Kulankii maanta ee Baarlamaanka, kaasi oo uu shir gudoomiyay Cabdiweli Muudey islamarkaana ay kasoo qeybgaleen 151 Xildhibaan.

Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Gollaha ayaa akhriyay magacyada Gudiga.

Guddiga oo howshiisu tahay inuu qaban-qaabiyo doorashada Gudoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ayaa la filayaa inay iska soo dhex xulaan Gudoomiye iyo ku xigeen.

In ka badan 5 Musharax oo labo kamid ah ay Wasiirro yihiin ayaa isku soo sharaxay xilka Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee uu iska-casilay Maxamed Cismaan Jawaari 9-kii bishan April kadib markii laga keenay Mooshin kalsooni kala noqosho ah.

Hoos ka akhriso magacyada Xildhibaanada Guddiga:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM