Guddiga doorashada heer federaal oo kala qeybsamay

Image
Tani ayaa kusoo aadaysa xilli lagu waddo in 27-da December ay kulmaan madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa laba garab u kala jabay. Garab kamid ah wuxuu ku dhawaaqay in uu xilka ka qaadey guddoomiye Maxamed Xasan Cirro. Halka gabarka kale uu diidey.

War-saxaafadeed lagu daabacay ciwaanka rasmiga ah ee guddigu ku leeyahay Facebook-ga ayaa lagu sheegay in uu guddigu wajahayo faragelin aysan shaacin cidda sidda rasmiga ah ugu sameyneysa.

HOOS KA AHRISO QORAALKA

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal wuxuu cadaynayaa in aysan jirin xil ka qaadis lagu sameeyey gudoomiyaha guddiga iyo ku xigeenkiisa, ayna hawlahooda shaqo si rasmiya u wataan.

Waxaan bulshada Soomaaliyeed u sheegaynaa in guddiga doorashada lagu hayo fara gelin ka imanaysa dhinacyo siyaasadeed, taasoo dhibaato ku ah shaqada guddiga, doorashada iyo hufnaanteed.

“Doorashada waxay u bahan tahay in la saxo habraaceeda, sida guddiyada xulista ergada iyo in door muhiim ah la siiyo qabaa’ilka, mase u baahna in laga qaado xornimada guddiyada ka shaqeeya” ayuu yiri Maxamed Xasan Cirro oo ah gudoomiyaha guddiga doorashada ee heer Federaal.

Guddigu wuxuu sidoo kale ka xun yahay caqabadaha joogtada ah ee lagu hayo guddiyada, kuwaasoo la kulma caga juglay iyo in si khasab ah qaarkooda looga saaray hoygii ay deganaayeen, tanoo ku ah sharaf dhac doorashada iyo dadka ka shaqeeya.

Ugu danbayn, in doorashada la dedjiyo, lana saxo cabashooyinka, iyadoo la dhowrayo madaxbanaanida guddiyada waa sida keliya ee ay wax ku hagaagayaan, doorashaduna ku qabsoomayso.


Is-qabqabsigan ayaa kusoo aadaya xilli lagu waddo in 27-da December, 2021 uu Muqdisho ka qabsoomo shir ay leeyihiin madaxda golaha wadatashiga qaranka kaasoo lagu saxayo qaladaadka laga sheegay habraaca doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM