Guddiga doorashada wakiilada Somaliland ee BF oo la magacaabay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Hussein Roble ayaa magacaabay guddiga maamulaya doorashooyinka xubnaha labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda maamulka Somaliland.

Sidda ku xusan wareegtada uu Rooble soo saarey Jimcada maanta ah, 6-da November, sanadkan sii dhamaanaya 2020, magacyadda xubnaha guddigan ay saamiga ka heleen haweenka ayaa waxay kala yihiin.

  1. Khadar Xariir Xuseen
  2. Sundus Ibraahim Cali
  3. Axmed Daahir Xasan
  4. Maxamed Cabdullaahi Jirde
  5. Cabdiraxmaan Cusmaan Aadan
  6. Zamzam Maxamed Faarax
  7. Najiib Xuseen Samaale
  8. Khadar Cabdalle Aadan
  9. Saynab Ismaaciil Xasan
  10. Ifraax Cumar Ducaale
  11. Umeyma Cabdullaahi Ciise

Digreetada ayaa lagu qeexay in waajibaadka guddigan uu kaliya yahay in ay qaban-qaabiyaan isla markaana maamulaan geedi u socodka lagu soo xulayo mudaneyaasha Aqalka Hoose iyo Golaha Shacabka gobolada waqooyi.

"Guddigan waxaa lagu daray saddex xubnood oo ay soo magacowday xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya si waafaqsan heshiiska siyaasadeed ee ay saxiixeen madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka," ayaa la raaciyey.

Magacaabidan ayaa kusoo hagaageysa xilli uu is-qabqabsi ka taagan yahay cidda soo xuleysa xubnaha guddigan ayna isku hayaan Villa Soomaaliya iyo afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Bishaan November, 5-teeda ayay ahayd markii Rooble uu shaaciyey liiska guddiga doorashooyinka iyo khilaaf xalinta heer federaal kaasoo ay min afar xubnood ku leeyihiin maamuladda ka jira waddanka.

Gudoomiye Xaashi ayaa sheegay in guddigaas aan lagu soo darin magacyadda "xubnihii aan gacanta u gelinay ra'iisul wasaaraha". Lama ogga hadii kahor shaacinta guddiga xulista wakiilada Somaliland xal loo helay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda dowlada federaalka ay magacaabida xubnahaan ka talogeliyeen mas'uuliyiinta taabacsan si gaar ah Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka, Mahad Xuseen Guuleed Khadar.

Qorshaha uu madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo ee Farmaajo ku doonayo in uu ku difaacdo kursigiisa, sidda ay warbixinada tibaaxayaan, waxaa kamid ah in uu maalgeliyo sidii ay u soo bixi lahaayeen sharci-dejiyeyaal u coddeeya.

Muuqaalka shaacinta magacyadda guddiga

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM