​Guddiga doorashooyinka oo diiday Natiijada wasiir la doortay

Image

MUQDISHU, Somalia- Guddiga doorashooyinka heer Federaal, ayaa soo saaray qoraal ay kaga hadlayaan, wasiir si sharci darro ah loogu doortay magaalada Jowhar ee xarunta Hir-Shabeelle, kaasoo horay looga joojiyay inuu kamid noqdo ragga u tartamaya kursiga beesha Jidle.

Wasiirkii hore dhalinyarada iyo Cayaaraha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux, oo lagu eedaynayay inuu ka dambeeyay fowdo dabayaaqadii bishii hore ka dhacday goobta lagusoo xulo xubnaha Aqalka hoose ku yeeshay maamulkaas, ayaa laga reebay tartanka.

Balse, Guddiga doorashooyinka ee maamulka Hir-Shabeelle, ayaa shalay u qabtay doorasho qarsoodi ah oo xilli hore subaxnimadii Sabtida la qabtay isagoo kusoo baxay cod Aqlabiyad leh.

Tallaabadaas, ayaa keentay in guddi doorashooyinka heer Federaal mar kale soo saaraan go'aan lagu naqdinayo natiijadaas, waxaana Wabarka beesha Jidle lagu amray inuu soo xulo Ergo cusub iyadoo gabi ahaanba la mamnuucay in mas'uulkaasi tartan u galo Kursiga beeshaasi.

Doorashada Aqalka hoose ee kasocota xarumaha maamul goboleedyada Somalia, ayaa waxaa hareeyay musuq-maasuq iyo fowdo iyadoo kiisas kala duwan ka dhaceen magaalooyinka Cadaado iyo Jowhar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM