Guddiga isku xir oo loo sameeyay bar-xuduudeedka Dhoobley

Image
Image
Image
Image
Hay'adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa tababar u qabatay howlwadeenadda goobtaas.

MUQDISHO, Soomaaliya - Tababar ay soo qaban-qaabisay hay'adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo lagu xoojinaayay wadashaqeynta Hay'adaha ka howlgala Bar-xuduudeedka magaalada Dhoobley isla markaana lagu aas-aasayay guddiga isku xirka Bar-xuduudeedkaasi ayaa maanta lagu qabtay magaalada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose.

Tababarkaan oo ay bixineysay Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxaa ka soo qeybgalay Hay'adaha ka howlgala Bar-xuduudeedka Dhoobley oo ay kamid yihiin qeybta canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda, hay'adaha amniga Magaalada Dhoobley, Wasaaradda Caafimaadka, Ururada Arimaha Bulshada, maamulka Garoonka dhoobley iyo Maamulka magaalada Dhoobleey.

Ugu horeyn, Agaasimaha Laanta 2aad ee Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Ibraahim Hassan Ismaaciil oo furitaanka tababarka ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Madaxda iyo Saraakiisha ka soo qeybgashay tababarkaan, isla markaana sheegay muhiimadda ay leedahay in ay wadashaqeyaan Hay'adaha ka howlgala Bar-xuduudda Dhoobley.

Ku xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa faahfaahiyay ujeedada tababarka; ujeedadada ugu muhiimsan ayuu ku tilmaamay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoontooda iyo xiriirka ka dhaxeeya Hay'adahaan.

Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa maamulka Dhoobley iyo Hay'adaha ka howlgala Xuduudda Dhoobley uga mahadceliyay wadashaqeynta ay la leeyihiin Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Maxamed oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu shaaca ka dhigay in tababarkaan uu ka dhici doono guud ahaan Bar-xuudeedyada rasmi ah ee Soomaaliya.

Magaalada Dhoobley ayuu ku tilmaamay in ay tahay goobtii labaad ee laga hirgeliyo tababarkaan marka laga soo tago magaalada Muqdisho oo lagu bilaabay in ay wada shaqeyn loo sameeyo hay'adaha ka howlgala Garoonka Aadan Cabdulle iyo furdada magaalada Muqdisho.

Gudoomiya Dhoobley, Siyaad Maxamed Xasan oo furay tababarka ayaa soo dhaweeyay isla markaana bogaadiyay in Hay'adaha ka howlgala xuduudda dhoobley in ay yeeshaan wada shaqeyn isla markaana looga baahan yahay in ay si wada jir ah u howlgalaan.

Ugu dambeyn, gudoomiyaha ayaa xusay in ka maamul ahaan muhiimad gaar ah u leeyahay tababarkaan. Gudoomiyaha Magaalada Dhoobley ayaa uga mahadceliyay Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowrkooda ku aadan bar-xuduudeedka Dhoobley iyo adeegyada ay ka bixiso Magaalada Dhoobley.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM