Guddiga Koonfur Galbeed ee coddeynta 2020-21 oo la magacaabay

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, ayaa maana magacaabay sideeda xubnood ee qaban-qaabineysa doorashada Xildhibaanada laga soo doorto degaanadda maamulkaas.

Laftagareen oo Khamiista maanta ah soo saarey wareegto ku taariikheysan 5-ta November ayaa shaaciyey in xubnahan lagu soo biirin doono saddex kale oo ka imaanaya dhanka Dowlada Federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Magacyadda xubnaha uu madaxweyne Laftagareen soo xushay kuwaasoo saddex kamid ah ay haween yihiin ayaa waxay kala yihiin;

  1. Yuusuf Cabdiqaadir Maxamed
  2. Nuuradiin Ibraahim Aadam Ganey
  3. Cabdullaahi Cabdulmudhalib Ibraahim
  4. Shukri Xaaji Aadan
  5. Xamdi Maxamed Cumar
  6. Cabdirisaaq Qaasim Maxamed
  7. Maxamed Cabdullaahi Isaaq
  8. Farxiyo Maxamed Yuusuf

Saddexda xubnood ee kaga soo biiraya dhanka dowladda federaalka Soomaaliya waxaa xeerinaya heshiiska doorashada 2020-21 ee madaxda ku kala saxiixdeen Villa Soomaaliya 27-kii September, baarlamaankuna ansiixyey.

Koonfur Galbeed ayaa noqdey maamulkii ugu horeeyay ee soo bandhiga guddigiisa doorashadda, balse ma cadda hadii ay shaqadooda ay noqon doonto mid ku saleysan shuruudaha laga doonayo doorasho xor iyo xalaal ah.

Dowlad goboleedkan ayaa Golaha Shacabka wuxuu ku leeyahay 69 xubnood, halka ay Aqalka Sarre ku metelaan sideed; wadartu waa 77 sharci-dejiye.

Magacaabida Laftagareen ayaa kusoo beegantay saacado kadib markii Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu qalinka ku duugay liiska Gudiga Doorashada iyo Khilaaf Xalinta heer federaal oo maamulada xubno ku darsadeen.

Illo xog ogaal ah ayaa u xaqiijiyey warsidaha Garowe Online in xubnaha uu guddigaas ku biiriyey Laftagareen ay qoonsadeen madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha NISA, Fahad Yaasiin Daahir. Balse ma cadda hadii uu bedelay.

Maadaama sanadihii u dambeeyay uu gacansaar dhow la lahaa dowladda uu haatan waqtiga kasii dhacayo, Laftagareen oo guushiisa ay maalgelisay Villa Soomaaliya ayaa laga cabsi qabaa in uu soo xulo xubno taabacsan Farmaajo.

Doorashooyinka soo aadan ayaan wax buuran ka duwaneyn coddeyntii dhacdey 2016-kii marka laga reebo ergada dooraneysa kursigiisa oo laga dhigay 101, in ay ka dhaceyso laba magaalo iyo lacagta diiwaan-gelinta oo la kordhiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM