Guddiga la isku hayo oo dalbaday in la bilaabo doorashadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga lagu muransan yahay oo Maamul Goboleedyada ka dalbaday inay bilaabaan diiwaangelinta Musharixiinta kuraasta Aqalka Sare ee BF.

Baaqa gudiga ayaa yimid kadib markii jadwalkii lasoo saarey uu ku ekaa shalay, iyadoo ay muuqato in Maamullada diyaar u ahayn qabashadda doorasho la isku khilaafsan yahay.

Jadwalka ayaa dhigaya in doorashadda Aqalka Sare ay billaabato 31-ka bishaan, islamarkaana ay socoto illaa 6-da January 2021.

Sidoo kale, maamullada qaar sida Jubaland iyo Puntland ayaanan aqoonsanayn Gudiga, oo dhismihiisa aan loo marin hanaan sharci ah, oo la isku waafaqsan yahay.

Saamileyda siyaasadda Soomaaliya ayaa u dhaxeeya khilaaf xooggan oo ku sabaansan maamulka iyo maareynta doorashooyinka, iyadoo lagu eedeeyay Villa Soomaaliya inay musuq-maasuqday hanaanka doorashadda.

Musharxiinta mucaaradka ayaa sheegay in gudiga ay ku jiraan xubno katirsan NISA, shaqaalaha dowladda iyo dhalinyaro daacad u ah Farmaajo, oo Social Media ka taageeri jiray.

GAROWE ONLIEN

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM