Guddiga loo xil saaray fatahaadda Somalia oo tagay magalada Baydhabo

Image

31 Octobar, 2015(GO)-Wafdiga ka socda Guddiga loo xilsaaray ka hortagga iyo wax ka qabashada fatahaadda la saadaaliyay inay ka dhacayso Somalia ayaa gaaray magalada Baydhabo xarunta gobolka Baay.

Ra'isul wasaare ku-xigeenka dowladda Federaalka Somalia Maxamed Cumar Carte ayaa hogaaminayay, waxaana la filayaan inay kulamo la yeeshaan bulshada ku nool Baydhabo, si ay ugala hadlaan qaabkii looga tabaabushaysan lahaa arrimaha ka imaan kara fataahadda.

Guddigan oo dhawaan la magacaabay ayaa sidoo kale, tagay magalada Baladweyne gobolka Hiiraan. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda oo kadib weerarkii Godka Jilicow oo ku dhawaaqday go'aan cusub

Wasiirka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay beddeshay xeeladooda weerarada kadib markii laga hortagay isticmaalka gaadiidka rayidka.

  • Soomaliya

    12-10-2025

  • 01:34PM

Kiiska Faragelinta Xasan Sheekh ee Gedo oo Jubaland gaarsiisay UN-ka

Xiisadaha u dhexeeya Muqdisho iyo Kismaayo ayaa aad u sii xoogeystay, iyadoo Kenya ay ku lug yeelatay dadaallo dhexdhexaadin ah.

  • Soomaliya

    11-10-2025

  • 12:15PM