Guddigii Dastuurka Baarlamanka Soomaaliya oo isbedel lagu sameeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa isbedel lagu sameeyay Guddiga dib u eegista Dasruurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Lix xubnood oo cusub ayaa lagu kordhiyay Guddiga kuwaasi oo ay soo magacaabeen dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir, iyadoo tirada xubnaha Guddiga hadda ay noqonayso 16.

Senetor Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, oo gudoomiye u ah Guddiga ayaa shaaciyay in lixda xubnood ee cusub ay wakiillo u yihiin maamul goboleedyada, iyagoo la shaqeyn doono gudiyada dib u eegista Dastuurka.

Guddiga oo xubnood ku yimid qaab doorasho ayaa ka kala yimid Gollaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana uu ka koobnaa 10 xubnood, kuwaasi oo hadda 6 kale lagu soo daray.

16-ka Xubnood ayaa wixii hadda ka dambeeya si wadajir ah uga Shaqeyn doona dib u eegista Dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya kaasi oo la doonayo in la dhameystiro kahor doorashada 2020-ka.

5-tii Bishii Maarso, Guddiga la socodka Dib u eegista iyo Hirgalinta Dastuurka ee labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kalsoonidii kala noqday Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, oo ay ku eedeeyeen inuu afduubay hanaanka dib u eegista Dastuurka iyo kaalintii Guddiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

War Cusub oo Ka Soo Baxaya Beled Xaawo: Cabdirashiid Janan oo go'doon ku jira

Isgaarsiinta magaalada ayaa aad u liidata, taasoo adkaynaysa in la helo xog rasmi ah oo la xiriirta khasaaraha dhabta ah.

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 12:53PM

Dowladda Federaalka Oo Lagu Eedeeyay Kicin Colaadeed iyo Faragelin Siyaasadeed

Weerarka ayaa yimid xilli gobolka lagu daabulayay Abdirashiid Janan, oo horey u ahaa Wasiirka Amniga ee Jubbaland.

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 12:28PM