Guddoomiyaha cusub Banaadir oo Muqdishu yimid

Image

MUQDISHU, Somalia- Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, isagoo kasoo kicitimay waddanka Maraykanka oo uu aaday wax yar ka hor intaan jagadaas loo dhiibin.

Mas'uuliyiin katirsan dowladda Somalia iyo maamulka gobolka ayaa kusoo dhaweeyay magaalada Muqdishu.

Taabid ayaa lagu wadaa in maalinta Sabtida uu xilka laga wareego, waxaana guddiga qabana qaabada ay sheegayaan in xaflad soo dhaweyna ah loogu samayn doono caasumadda Somalia.

Mas'uulkan ayaa booska kala wareegi doono Madaale oo xilkaas soo hayay mudadii ugu dambaysay xukuumaddii Xasan Sheekh.

Guddoomiyaha cusub ayaa horay usoo ahaa Safiir ku-xigeenka safiirka Somalia ee Mareykanka ahna Qunsulka Guud ee Washington, oo loo magacaabay labo sanno ka hor.

6-dii Bishan April ayaa Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/llaahi (Farmaajo) waxa uu Ambassador Thaabid Cabdi Maxamed u Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdishu.

GAROWEONLINE


Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM