Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo Xabsi Guri la dhigay

Image

DHUUSAMREEB, Soomaaliya - Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb, ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada Ahlu Sunna ay xabsi guri ka dhigeen Gudoomiyaha Gudiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Xaliimo Yareey.

Illo lagu kalsoon yahay ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in Xaliimo Yareey iyo 10 kamid ah Shaqaalaha Gudiga Doorashooyin la dhinibay dhaq-dhaqaaqooda, iyadoo loo diiday inay ka baxaan Dhuusamareeb.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta ka dambaysa tallaabadan, iyadoo dadka qaar ee ku sugan magaalada ay sheegayaan in Xaliimo Yareey ay wadey dhaq-dhaqaaq Ahlu Sunna u cuntami waayay, oo la xiriira booqashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxay qorsheynaysay inay safar ugu ambabaxdo dhanka Guriceel, oo deegaan ahaan ay kasoo jeedo Xaliimo Yareey halkaasi oo dadka degan aad u danaynaya in Farmaajo booqashadiisa halkaasi loo weeciyo, maadaama Dhuusamareeb ka dhaq-dhaqaaq fiican tahay.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka socda diyaar-garowga soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo oo la filayo inuu socdaal ku tago deegaanada Galmudug, isagoo la kulmi doono Madaxda maamulkaasi iyo Saraakiisha Ahlu Sunna oo dhawaan heshiis gaarey.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Ahlu Sunna oo ku aadan xabsi-guriga Xaliima Yareey, oo mudooyinkii dambe safaro shaqo ku maraysay magaalooyin ku yaalla gobolka Galgaduud, oo howlo la xiriira arrimaha doorashada u joogtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM