Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir oo shaqada laga fariisiyay

Image

MUQDISHU, Somalia- Wareegto kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ee Somalia Dr. Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa Maanta Shaqadii looga joojiyay Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Banaadir, Xaashi Cilmi Nuur.

Tallaabadan ayaa loo cuskaday eedo la sheegay inay yaallaan maxkamadda iyo sidoo kale inuusan Guddoomiyuhu uusan si toos ah ugu lug lahayn howlaha socda.

Ma jirto muddo waraaqda lagu caddeeyay oo shaqada uu ka maqnaanayo Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir.

Qoraalka, ayaa sidoo kale lagu sheegay inaysan jirin kala dambayn dhinaca garsoorka ah oo ka jirta gobolka, taasoo keentay in muddo badan xabsiga lagu hayo maxaabiis kala duwan.

Go'aanka ayaa la sheegay in lagu saxayo arrimaha cadaaladda ee Banaadir ka jirta.

Shaqo joojinta ayaa timid xilli maxaabiis aad u tiro badan oo howl gallo lagusoo qabto lagu hayo xabsiyada gobolka Banaadir gaar ahaan caasumadda Somalia.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolku kama uusan hadlin sida uu u arko tallaabada uu qaaday Mudane Iidle.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM