Guddoomiyihii gobolka Hiiraan oo xil ka qaadis lagu sameeyay

Image

BALADWEYNE, Hiiraan- Madaxweynaha maamulka cusub ee Hir-Shabeelle, ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Xagar Dabo-geed.

Lama sheegin sababta rasmiga ah ee xilka looga xayuubiyay.

Madaxweynaha maamulkaasi, Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa warbaahinta magaalada Jowhar ugu sheegay in booskaas si KMG ah ugu dhiibay Cali Jayte Cismaan.

Cosoble, ayaa sidoo kale ku dhawaaqay Guddi la sheegay inay ka shaqayn doonaan ammaanka gobolka Hiiraan, waxaana isugu jiraan saraakiil katirsan ciidamada qalabka sida ee dowladda Federaalka Somalia.

Xubnaha la magacaabay, ayaa kala ah;

    S/guuto Cumar Aadan Dhabad

    G/Sare Tawane Axmed Muxumad

    G/sare Isaaq Cali Cabdulle

    G/sare Isaaq Cismaan Idiris

    G/sare Axmed Cabdi Weheliye

    G/dhexe Cali Cabdi Mahadalle

    Dhamme Xasan Maxamed Ibraahim.

Madaxweynuhu ma faah faahin sababta keentay in Guddigan loo magacaabo gobolka Hiiraan. Balse, arrintan ayaa imaanaysa xilli maalintii shalay weerar lagu qaaday saldhigga ciidamada Jabuuti ee magaalada Baladweyne.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo calaamadeysay saldhigyo ay dejin doonto Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Saldhigyadan waxaa ku yaallaan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Burane iyo Mahaday, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 12:05PM

Puntland oo diiday nidaamka cusub ee E-Visa, kuna eedeysay DFS faragelin sharci-darro ah

Maamulka Puntland wuxuu si joogto ah u difaacay madaxbannaanida uu ku leeyahay maamulka gudaha ee kaabayaashooda muhiimka ah.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 06:27AM