Guddoomiyihii hore Buulo Burde oo lagu dilay Baladweyne

Image

BALADWEYNE, Soomaaliya- Mallayshiyaad hubaysan ayaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxay ku dileen Guddoomiyihii hore ee degmada Buulo Burde, Cabdi Iidow Warsame, sida ay GO u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Dilka Marxuumka ayaa xalay ka dhacay xaafadda Xaawo Taako ee magaalada Baladweyne, waxaana marxuumka la khaarajiyay xilli uu kasoo baxay masaajid ku yaalla xaafaddaas.

Koox ku hubaysan Bastoolado ayaa lagu soo waramayaa inay dileen Cabdi Iidow islamarkaana goobta ka baxsadeen iyagoo aan la aqoon halka ay ku suganyihiin.

Lama oga cidda dilka gaysatay, balse waxaa loo malaynayaa kooxda Al Shabaab oo inta badan mas'uul ka ah dilalka noocaan ah ee ka dhaca dalka Soomaaliya.

Wararka uu helayo Garowe Online, ayaa sheegay in Iidow uu kamid ah culimada ugu caansan gobolka Hiiraan ee faafisa dacwada (Tabliiq), inkastoo 2007-dii uu soo noqday Guddoomiyaha degmada Buulo Burde sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ciidamo katirsan kuw aammaanka Soomaaliya, ayaa goor dambe soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana ay sameeyeen baaritaan aan la shaacin natiijadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM