Guddoonka baarlammaanka DF oo ka hadlay mooshinka

Image

August 15, 2015 (GO)- Guddoonka baarlammaanka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysey ka hadlay mooshinka qaar kamid ah xildhibaannada baarlammaanka Dowladda Federaalku ka keeneen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal ay si wada jir ah usoo saareen Guddoomiyaha Baarlammaanka iyo labadiisa ku-xigeen ayey ku sheegeen in mooshinka oo 93 xildhibaan soo gudbiyeen sharci yahay, dhowaanna loo guda geli doono ka doodis tiisa.

Guddoonka baarlammaanka ayaa dhanka kale soo dhoweeyey tallaabo kasta oo dastuuri ah taas oo xildhibaannadu kula xisaabtamayaan madaxda ugu sareysa dowladda.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM