Guddoonka Barlamanka oo shaaciyey xiliga laga doodayo mooshinka

Image

November 29,2014 [GO]- Go'aan kasoo baxey guddonka Barlamanka dowlada Federaalka Somalia ayaa shaaciyey waqtiga la guda galayo ka doodista mooshinka ka dhanka ah Ra'isal wasaaraha kadib markii heshiis laga gaarey khilaafkii u dhexeeyey Xildhibaanada.

Qoraalkaan ayaa lagu sheegey in Dec 2,2014 oo ku beegan maalinta Talaadada la furi doono ka doodista mooshinka halka la filayo inuu soo dhamaado maalinimada Sabtida 6 Dec,2014.

Guddoonka Barlamanka dowlada Federaalka ayaa qoraalkaan ku shegeey in la xaliyey khilaafkii u dhexeeyey Xildhibanaada islamarkaasna u mahad celiyey Madaxweynaha dowlada Somalia iyo Ra'isla wasaaraha sidii loo dajin la lahaa xiisadaan.

Warsidaha Garowe online oo qoraalkaan soo gaarey halkan ka akhriso " Go'aanka Guddonka Barlamanka Somalia"

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM