Guddoonka Barlamanka dowlada Somaliland oo hishiiyay

Image

27 September, 2015(GO)-Guddoonka sare ee Barlamanka Somaliland ayaa hishiis iskood ah ku dhexgaaray xarunta golaha wakiillada Somaliland ka hor fasaxii ciidda.

Gudoomiyaha Barlamanka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo ku-xigeenkiisa koowaad Baashe Maxamed Faarax ayaa hishiiska ka dib dalbaday in la cafiyo, iyagoo raali galin ka codsaday Xildhibaanada iyo shacabka Somaliland.

Labada Gudoomiye ayaa ku dagaalamay 12 September, 2015 kalfadhi u socday Xildhibaanada maamulkaasi xilli ay ka doodayeen mooshin laga keenay haamaha shidaalka Somaliland.

Talaabada ay ku dirireen islamarkaana ku heshiiyeen Barlamanka Somaliland ayaa dadka siyaasada indha-indheeye ku fasireen iney tahay  biseyl siyaasdeed ay hay'adaha dowliga ah ka gaareen sidii u xalin lahaayeen khilaaf soo kala dhexgala halka isku-qabashada danta guud hagaajineyso la xisaabtanka xukuumada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM