Gudoomiyaha Barlamanka Jabuuti oo yimid Muqdisho

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka oo Khamiis ah soo gaarey magaalada Muqdisho, ee caasimadda dalka.

Wafdiga waxaa kusoo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo xubno kale, iyadoo loo galbiyay dhanka xarunta Villa Hargeysa oo ay degenaan doonnaan inta ay ku sugan yihiin magaalada.

Jawaari ayaa sheegay in dhigiisa Jabuuti uu kala qeybgali doono Kulanka Gollaha Shacabka ee maalinta sabtida, islamarkaana ay kawada hadli doonaan xiriirka labada Baarlamaanka iyo sidii loo xoojin lahaa.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa la filayaa in uu kulmo la qaato madaxda sare ee dowladda, waxa uuna booqan doonaa Xarumaha ay ku shaqeeyaan labada Golle ee Baarlamaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM