Jawaari oo doonaya in xilka loo kordhiyo Barlamanka Federaalka

Image

Dec 16, 2015 (GO)- Tan iyo intii kulamada magaalada Muqdishu uga socdeen madaxda Somalida kuwasoo looga hadlayo qaabka ay noqoneyso doorashada sanadka 2016 ayaa waxaa soo ifbaxey qorshe afhayeenka Barlamanka dowlada Federaalka ku shirqoolayo wadahadlkaan.

Maxamad Cismaan Jawaari ayaa wararka kasoo baxaya dhaqdhaqaqyadiisa siyaasadeed sheegayaan inuu raadinayey in wadahadlka u dhexeeya madaxda Somalida ku dhamaado guuldaro si taasi u sahasho in Barlamanka Federaalka hadda jira loogu sameeyo kororsi halsano ah.

Talaabadaan oo aan soo dhoweyn fiican ka helin beesha caalamka oo shirkaan garwadeen ka ah ayaa waxaa lagu doonayey in Barlamanka Federaalka hal sano loogu daro inta uusan waqtigoodu dhamaan kadib-na doortaan dowlad cusub taasoo wadanka ka shaqeysa muddo labo sano ah.

Dhinaca kale wararkaan ayaa sheegaya in qorshahaan dabada ka riixayaan siyaasiyiin ku sugan magaalada Muqdishu kuwaasoo ay u furan yihiin xisbiyo ay rabaan iney kaga qayb galaan doorashada sanadka 2016.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Xasan Shiikh oo siyaasad ahaan aad isugu dhowyihiin Shariif Xasan iyo Jawaari ayaa ku taageeray qorshaha uu ku doonayo in Barlamanka soo socda sanadka 2016 lagu soo dhiso nidaamka 4.5.

Shariif Xasan oo ahaan jirey gudoomiye Barlamanka dowladihii KMG ayaa gacanta ku haya inta badan xildhibanaada kasoo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle kuwasoo tiro badan ku hela nidaamka 4.5.

Xasan Shiikh oo beelaha uu kasoo jeedo ka horyimaadeen maalmihii lasoo dhaafey in wax lagu qaybsado 4.5 ayaa isaga iyo kooxdiisa 'Damuljadiid' raadinayaan in talada dalka ku qabsadaan markale iyagoo adeegsanaya nidaamkaan '4.5' taasoo sahleysa  in odey dhaqameedyada la iibsado kuwasoo soo xulaya xildhibaano codka siiya dowladiisa sanadka 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Masar oo ka hadashay Qaraxii lala eegtay Dhalinyarada qoranaysay Askarta

Bayaanka Masar ayaa si cad u sheegay taageerada dowladda Masar ee hay’adaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka iyo ciidamada amniga.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 12:56PM

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM