Gudoomiyaha Barlamanka Jubaland oo eedeeyey DF [Dhageyso]

Image

August 11,2015 (GO)- Guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland Sheikh Cabdi oo la hadlay warbaahinta ayaa eedeeyn dusha kaga tuuray barlamaanka Federaalka Somalia.

Sheikh Cabdi ayaa sheegay in nasiib daro tahay in Barlamanka Federaalka Somalia aqoonsan waayo golaha wakiilada Jubaland.

Dhanka kale guddoomiyaha Baarlamaanka Jubland ayaa sheegay in doorashada madaxtinimo ee soo socota cadaalad ku dhici doonto islamarkaana aan la saadaalin karin qofka ku guuleysanaya.  

Baarlamanka Somalia ayaa golaha wakiilada Jubbaland ku sheegey Jun 6,2015 inuu yahay sharcidaro kadib markii cod la isku-khilaafey u qaadeen taasoo sababtey in xiriirka labada dhinaca go'.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM