​Gudoomiyaha Buurhakabo oo geeriyoodey

Image

MUQDISHU, Somalia- Guddoomiyihii Degmada Buurhakaba Maxamed Cabdi Maxamed, ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaarey Weerar qarax miino ah oo 15-kii Bishii lasoo dhaafey ka dhacay afaafka hore ee Gurigiisa.

Maxamed Cabdi, ayaa mudo ku dhaw Hal bil wuxuu jiifay Isbitaalka AMISOM ee ku yaalla xarunta Xalane, halkaasi oo ku geeriyooday Xalay, sida Maamulka Buurhakabo uu xaqiijiyay.

Marxuumka ayaa dhaawac culus kasoo gaarey Qarax ka dhashay miino lagu aasay Albaabka Gurigiisa Bishii October 15, kaasi oo mas'uuliyadiisa sheegatay Kooxda Al Shabaab.

Mas'uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed, ayaa ka tacsiyeeyay Geerida Gudoomihii Degmada Buurhakabo mudane Cabdi, oo ay sheegeen inuu ahaa shaqi mudo dheer usoo adeegay Qaranka.

Dhanka kale, Maamulka Degmada Buurhakabo, ayaa sheegay in Meydka Gudoomiyaha dhintay ay u qaadi doonaan degmadiisa Buurhakabo, si ay ugu aasaan halkii uu ku dhashay.

Kooxda Al shabaab ayaa inta badan beegsata xubnaha sare ee ku jiro dowladda iyo Saraakiisha ciidanka, si ay u naafayso dowladnimada dalka Soomaaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM