Gudoomiyaha Degmada Luuq oo Qarax lagu dhaawacay

Image

LUUQ, Somalia - Gudoomiyaha degmada Luuq ee gobolka Gedo Maxa'ed Xuseen Cusmaan Geney ayaa lagu dhaawacay qarax loogu xiray Gaarigiisa, sida ay dadka deegaan u xaqiijiyeen Warsidaha Garowe Online.

Dhaawac culus ayaa Guddoomiyaha kasoo gaaray weerarkaas, iyadoo la dhigay Isbitaalka guud ee degmada Luuq, halkaasi oo lagu daweynayo dhaawiciisa.

Hal Askari oo katirsanaa Ciidamada Ilaalada Gudoomiyaha Luuq ayaa kuu dhintay qaraxa, iyadoo qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Ma jirto cid sheegtay mas'uuliyada weerarka lala damacsanaa in lagu dilo Gudoomiyaha degmada Luuq Maxa'ed Xuseen Cusmaan Geney.

Gaariga Gudoomiyaha Geney ayaa gabi ahaanba ku gubtay qaraxa, kaasi oo ahaa mid aad u culus, oo jugtiisa laga maqlay qeyba kamid ah Magaalada.

Ururka Al Shabaab ayaa loo malaynayaa inay ka dambaysay werarkaas.

Xaaladda degmada Luuq ayaa iminka Degan, waxaana socda baaritaano ay wadaan ciidamada ammaanka oo lagu ogaanayo cidda weerarkaasi fulisay.

Maaha markii ugu horaysay kooxda Al Shabaab Guddoomiye degmo ku weerarto qarax lagu xiray baabuurkiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM