Gudoomiyaha Degmada Luuq oo Qarax lagu dhaawacay

Image

LUUQ, Somalia - Gudoomiyaha degmada Luuq ee gobolka Gedo Maxa'ed Xuseen Cusmaan Geney ayaa lagu dhaawacay qarax loogu xiray Gaarigiisa, sida ay dadka deegaan u xaqiijiyeen Warsidaha Garowe Online.

Dhaawac culus ayaa Guddoomiyaha kasoo gaaray weerarkaas, iyadoo la dhigay Isbitaalka guud ee degmada Luuq, halkaasi oo lagu daweynayo dhaawiciisa.

Hal Askari oo katirsanaa Ciidamada Ilaalada Gudoomiyaha Luuq ayaa kuu dhintay qaraxa, iyadoo qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Ma jirto cid sheegtay mas'uuliyada weerarka lala damacsanaa in lagu dilo Gudoomiyaha degmada Luuq Maxa'ed Xuseen Cusmaan Geney.

Gaariga Gudoomiyaha Geney ayaa gabi ahaanba ku gubtay qaraxa, kaasi oo ahaa mid aad u culus, oo jugtiisa laga maqlay qeyba kamid ah Magaalada.

Ururka Al Shabaab ayaa loo malaynayaa inay ka dambaysay werarkaas.

Xaaladda degmada Luuq ayaa iminka Degan, waxaana socda baaritaano ay wadaan ciidamada ammaanka oo lagu ogaanayo cidda weerarkaasi fulisay.

Maaha markii ugu horaysay kooxda Al Shabaab Guddoomiye degmo ku weerarto qarax lagu xiray baabuurkiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM