Gudoomiyaha degmada Qardho oo ka hadley mashaariicda degmada

Image

November 15-11-2014(GO)- Gudoomiyaha degmada Qardho Maxamed Siciid oo u waramayay Radio Garowe ayaa ayaa sheegey in dhismayaal wadooyin laga hirgalinayo magaalo madaxda gobolka Karkaar kuwaasoo isugu jira Laami iyo carratuur, balse waxa uu tilaamay in socod siinta Mashaariicdaan caqabad ku yayaan qaar ka mid ah shacabka oo aan fahan sanayn danta guud.

Duqa degmada ayaa tilmaamay inay wadaan wacyi galin la xiriirta arimahan si loo socod siiyo mashaariicaha ay ka wadaan degmadaas.

Barnaamijka JPLG oo wadamada midowga Yurub maalgaliyaan ayaa degmooyinka golaha degaanka ka shaqeeyo waxey siyaan tageero dhaqaalo  oo ay ku dhistaan mashaariicda hurumarinta wadooyinka.

Degmada Qardho ayaa kamid ah magalooyinka ka hela mashrucaan JPLG ee wadooyin isugu jira Laami iyo kuwa kale lagu dhiso iyadoo dadweynaha degaanka laga rabo iney maamulka degmada kala shaqeyaan sidii loo hirgalin lahaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM