Gudoomiyaha Galgaduud oo ka hadlay weerar lagu qaaday

Image

20 December, 2015(GO)-Gudoomiyaha gobolka Galgaduud Xuseen Cali Weheliye Cirfo ayaa ka hadlay weerar shalay lagu qaaday gaari uu saarnaa, xilli uu marayay wadada Maka Al-Mukarama Muqdishu.

Cirfo ayaa tilmaamay rag hubaysan inay ku fureen gaari uu la socday waxyar kadib markii uu goobta ka dhacay qarax xooggan oo sababay dhimashada Shan ruux iyo dhaawac toban kale.

Waxaa uu sheegay inuu ka badbaaday rasaas ay ku fureen rag hubaysan oo watay gaari nooca raaxada, balse wuxuu xusay inay ku waxyeeloobeen shacab Somaliyeed oo aan waxba galabsan.

Dowladda Somalia iyo laamaha amniga oo kaashanaya bulshada ayuu tilmaamay inay qayb ka qaataan adkaynta amniga iyo xasilinta caasumadda Somalia.

Faah faahin kama bixin dhaawaca soo gaaray, balse waxa uu caafimaad ahaan u muuqday mid wanaagsan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM