Madaxweyne Waare oo xilka ka qaaday Gudoomiyaha Hiiraan

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka ka qaadey gudoomiyihii gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan.

Digreeto kasoo baxday Xafiska Madaxweynaha ayaa lagu shaaciyay xilka qaadista gudoomiyaha, iyadoo loo cuskaday go'aanka inuu ka gaabiyay howlihii loo igmaday, sida amniga iyo arrimaha bini'aadanimo.

Cali Jeyte ayaa dhawaan diiday xilka qaadistan oo uu ku sameeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka HirShabeelle, waxaana ka diidmadiisa ka dhashay ismariwaa keenay inuu soo faregliyo Madaxweynaha oo isaga xilka ka qaado.

Cabdullaahi Axmed Maclin, ayaa loo magacaabay xilka gudoomiyaha gobolka Hiiraan.

Isbedelkan dhanka hogaanka gobolka Hiiraan ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Waare iyo Wasiiro katirsan maamulkiisa oo ku sugan Beledweyne ay kulamo wadatashi ah la qaateen qeybaha bulshada.

Madaxweynaha HirShabeelle ayaa tan iyo markii la doortay sandkii tagey waxa uu sameeyay dhowr xilka qaadis, oo uu ku sameeyay gudoomiyaal degmooyin iyo mas'uuliyiin heer gobol ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM