​Gudoomiyaha Maxkamadda Sare oo Garsoorayaal shaqada ka eryay

Image

MUQDISHU, Somalia - Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somalia, Ibraahim Ciidle Suleymaan ayaa Shaqadii ka joojiyay 18 Garsoore, kuwaasi oo ka howlagalayay Maxkamado ku yaalla Muqdishu.

Wareegto kasoo baxday maanta oo Talaado ah Xafiiska Gudoomiyaha, ayaa lagu shaaciyay go'aanka shaqada looga fariisiyay Garsooriyaashan oo ka tirsanaa Hay’addaha Garsoorka dalka.

Garsooriyaasha la eryay waxaa kamid ah 6 Garsoore oo Xeer Madaxweyn ku magacawnaa, sida Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Degmooyinka Cabdi casiis, Xamar Jajab iyo 3 Garsoore oo ka hawlgala Maxkamadda Gobolka.

Shaqo-joojinta waxay sidoo kale saameysay Saddex Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Racfaanka Gobolka, Guddoomiyaasha maxkamadaha degmooyinka Shangaani, Yaaqshiid, Dharkeynley, Xamarweyne, Dayniile iyo 4 Garsoore oo ka tirsan maxkamadaha degmooyinka Xamar Jajab, Dayniile, Yaaqshid iyo Dharkeynley.

Wareegtada laguma sheegin sababta shaqada looga joojiyay 18-ka Garsoore, balse waxa uu go'aankan imaanayaa xilli cawasho xooggan ay shacabka ka keeneen Cadaalad darrada ka jirta Garsoorka dalka, oo uu hareeyay Musuq-maasuq iyo Nin jeclaysi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: Xasan Sheekh ma oran kara waxaan sii joogayaa illaa 2027

Digniintan ayaa imaneysa xilli ay guul la’aan ku soo dhamaadeen wada-hadallo dhowaan ka dhacay xerada Xalane ee Muqdisho.

  • Soomaliya

    16-05-2026

  • 09:40AM

Burburka Shirkii Xalane iyo Khilaafka Doorashada oo Soomaaliya Geliyey Marxalad Siyaasadeed oo Cusub

Wadahadallada ayaa u dhexeeyey madaxda Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay…

  • Soomaliya

    15-05-2026

  • 07:53PM