Gudoomiyaha midowga Africa oo imaanaya Muqdishu, wadooyinka xiran

Image

MUQDISHU, Somalia  - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay xiray wadooyinka magaalada Muqdishu, oo la filayo inuu booqasho ku yimaado Gudoomiyaha cusub, ee Ururka Midowga Africa  Moussa Faki Mahamat.

 Shacabka ayaa ku waaberiistay saakay wadooyinka oo xiran iyo ciidamo lasoo dhoobay Isgoysyada kuwaasi oo celinaya Gaadiidka dadweynaha, ee isaga kala gooshi jirey wadooyinka caasumadda. 

Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugida Soomaaliya ayaa gaadiidka dagaalka waxay ku gooyeen wadooyinka waaweyn, oo ay kamid yihiin Makka Al Mukarama, KM4, Zoobe, Banaadir iyo Isgoyska Dabka. 

Gaadiidka Mas'uuliyiinka iyo shaqaalaha dowladda oo kaliya ayaa loo ogolaanayaa inay isticmaalaan wadooyinka xiran, iyadoo shacabka ay u lugaynayaan goobahooda ganasciga iyo waxbarashada. 

Magaalada Muqdishu ayaa caadi ka noqotay in marka ay soo booqanayaan Mas'uuliyiinta sare la xiro wadooyinkeeda, taasi oo muujinaysa sawir ah in amniga caasumadda dalka aan la isku halayn karin. 

Fah-faahinta wagdigaaan ka filo Wararkeena dambe hadii Alle idmo. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM