Gudoomiye Jawaari oo ka hadlay Khilaafka kala dhaxeeya Khayre

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxamed Cismaan Jawaari, gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa qabtey caawa Shir Jaraa'id oo uu uga hadlay arrimo badan, oo ay kamid yahiin Mooshinka laga keenay iyo Khilaafka Siyaasadeed ee dalka.

Jawaari oo Saxaafadda kula hadlay xarunta Villa Hargeysa, ayaa sheegay in Ra'iisul Wasaare Khayre uu ka talo qaatey Xildhibaanno uu sheegay inay burburiyeen Baarlamaankii 8aad, kuwaasi oo hadda ka shaqeynaya burburka Baarlamaanka shaqeynaya.

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in aysan jirin mooshin laga waday Xasan Cali Khayre, balse Xildhibaanno ay ku dagaal geliyeen warar been ah, taasoo abuurtay khilaafka Siyasaadeed ee hadda dalka ka jira, oo sababay in Gollaha Shacabka kala qeybsamo.

Jawaari ayaa dhanka kale ka hadlay Ciidanka la duldhigay xarunta Hay'adda sharci dejinta dalka, isagoo arintaasi ku tilmaamay wax laga xumaado, oo keeni karta in xaalad xun uu sii galo dalka.

"Weli ma dhicin in Xaruntii Baarlamaanka, ee xurmadda lahayd Ciidan la duldhigo, arinta lagu kacay hadda waxay xaaladda fool-xun, waxaana ugu baaqayaa Hay'adda fulinta in Ciidanka la dulqaado Xarunta, oo faragelintana ka dayso," ayuu yiri Jawaari.

Hadalka Jawaari ayaa yimid saacado kadib markii uu Xarunta Villa Hargeysa ku shir gudoomiyay kulanka Gudiga Ganacsiga ee Gollaha Shacabka, islamarkaana shaaciyay ajandaha Kulanka sabtida furmi doono oo ah arinta derbiga Balad-Xaawo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti kordhinaysa Ciidanka ka jooga gobolka Hiiraan xili Al-Shabaab 2 degmo lawareegtay

Al-Shabaab ayaa dhawaan la wareegtay Moqokori iyo Maxaas oo Hiiraan katirsan, halkaasoo ay Ciidamada Jabuuti ka howlgalaan.

  • Soomaliya

    31-07-2025

  • 05:43AM

Sidee Ciidanka Taageersan Dowladda Federaalka Ula Wareegeen Gacan Ku Haynta Beled-Xaawo?

Ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay…

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 08:11PM