Gudoomiye Mursal oo u dhoofay Jabuuti [Akhri Ujeedka]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa u duulay saaka oo Isniin ah dalka Jabuuti.

Sodcaalka Afhayeenka Golaha Shacabka ee Jabuuti waxaa ku wehlinaya Xilldhibaano, iyadoo ujeedka safarkooda uu yahay ka qeybgalka Munaasabadda maalinta Xorriyadda Jabuuti, oo ku beegan 27-ka bishaan June, taasoo qaban-qaabadeeda ka socota hadda dalkaasi.

Xildhibaan ayaa u sheegay Garowe Online in Afhayeenka Gollaha Shacabka, wuxuu la kulmi doonaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo dhigiisa  Jabuuti, Maxamed Cali Xaamud, oo uu kala hadli doono xoojinta xiriirka wadashaqeynayd ee labada Baarlamaan.

Jabuuti ayaa kamid ah dowladaha saameynta Siyaasadeed iyo mida military ku leh Soomaaliya, iyadoo ay Ciidamo ka joogaan gobolka Hiiraan kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

Dhawaan ayey ahayd markii Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, booqasho shaqsiyadeed uu ku tegay wadanka Turkiga, isagoo xafiiska joogo mudo ka yar labo bilood.

Mursal ayaa horey usoo noqday wasiirka difaaca Soomaliya, xilkaasi oo iska casiley kahor tartankii doorashada afhayeenka gollaha shacabka, waxaana mas'uulkan lagu tirayaa shaqsiyaadka ku dhaw xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.

Si diiran ayaa Gudoomiyaha iyo wafdigiisa loogu soo dhaweeyay dalka Jabuuti.

<iframe width="560" height="315" src="https://www.youtube.com/embed/EGu-N-nOymM" frameborder="0" allow="autoplay; encrypted-media" allowfullscreen></iframe>

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa ka socda Xalane maanta?

Diblomaasiyiinta caalamiga ah ayaa sheegay in xalinta khilaafka siyaasadeed ay tahay arrin u taalla Soomaalida.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 08:24AM

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo ku ballansan Shirka ka dhacaya Xalane

Wakiillada beesha caalamka iyo diblomaasiyiin sar-sare ayaa soo dhex-galay dhinacyada si ay u fududeeyaan is-fahamka.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 05:09PM