Guudlaawe oo amar dul-dhigay guddiga doorashada HirShabelle

Image
Image
Image
Image
Image
Tani ayaa ka dambeysay markii uu booqdey hoolka doorashadda ee magaalada Jowhar.

JOWHAR, HirShabelle - Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa shalay kormeer ku tagay xarunta loo qorsheeyay inay ka dhacdo Doorashada Golaha Shacabka.

Guudlaawe oo dhowaan tagay magaalada ayaa soo indha indheeyay xafiisyada ay ku shaqeeyaan gudiga iyo hoolka ay ka dhici doonto doorashad Xilibaanada Baarlamaanka 11aad ee JFS.

Gudoomiyaha iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Gudiga Maamulka Hirgalinta Doorashooyinka dadban ee Hirshabeelle ayuu la kulmay, isagoo kula dardaarmay dardargalinta howlaha doorashooyinka.

HirShabelle ayaa dhowaan bilaabeysa xulista xubnaha Aqalka Hoose. Jowhar iyo Beledwayne waa degaan doorashooyinka. Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay iyada oo lasoo rogay go'aano badan.

Wasaaradda Amniga maamulka Hirshabeelle ayaa mamnuucday in hub lala galo garoomada diyaaradaha magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar si loo adkeeyo amniga garoomada xilliga doorashooyinka dalka.

Sababta ka dambeysa amarkaan ayaa lagu qeexay in Jowhar iyo Baladweyne ay ku wajahan yihiin musharixiin, ergada dooraneysa Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad iyo shaqsiyaad dano kale u tagaya Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wasaaradda Amniga DG Hir-Shabeelle waxa ay ku baaqday in lala shaqeeyo Hay’adaha ammaanka oo mas’uuliyad gaar ah ka saaran nabadgalyada Garoomada Diyaaradaha Jowhar iyo Baladweyne.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM