HirShabelle: Tartanka kuraasta Aqalka Sare oo la furay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

JOWHAR, HirShabelle - Madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa ku dhawaaqay in tartanka kuraasta Aqalka Sare ee maamulkiisa ku yeelanayo baarlamaanka federaalka noqonayo mid furan.

"Qof walba xor buu u yahay inuu Kursi Senate u tartamo, ma jiri doonto cid si gaar ah ugu xirayo kuraas gaar ah," ayuu Khamiista maanta ah ka dhawaajiyey Guudlaawe.

Wuxuu hadalkan ka sheegay furitaanka kal-fadhiga 2aad ee Baarlamaanka HirShabeelle Maanta. Guudlaawe ayaa maanta furay kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle.

Hadalka Guudlaawe ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu soo saarayo Musharixiin taabacsan Villa Somalia, si Farmaajo ugu abaal-mariyo fursado u sahlaya dib u doorashadiisa.

Munaasabada furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle waxaa ka soo qeybgalay Xubno Golaha Wasiirada, qaar kamid ah Musharaxiinta Senarada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Qeybaha Kala duwan ee bulshada.

Guudlaawe oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku dara in waqtiga ugu badan uu ku bixiyay Arrimaha Doorashooyinka si dalka ay uga dhici lahayd Doorashooyin daah furan.

Mudanayaasha Baarlamaanka iyo shacabka Hirshabeelle ayuu u balan qaaday in muwaadin walba oo xaq leh buuxiyana shuruudaha looga baahan yahay musharaxnimo lagu soo dari doono liiska Musharaxiinta Aqalka sare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM