Guuleed: Farmaajo wuu ka baqayaa in uu doorasho galo

Image
Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey ayuu ku eedeeyay dhibaatooyinka hada dalka wajahayo.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Maxamed C/llaahi Farmaajo wuxuu ka cabsanayaa in uu galo doorasho daahfuran, sida uu ku eedeeyay musharax madaxwayne, Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha xukuuamda federaalka ayaa cuskadey in Farmaajo uu is-hortaagayo wax kasta oo lagu dardargelinayo geedi-socodka coddeynta heer federal si dalka uga baxo kala guurka.

Hogaamiyihii hore ee Galmudug oo safka hore uga jira mucaaradka maamulka waqtigu ka dhacay ayaa sheegay in Farmaajo uu "mas’uul ka yahay" xasilooni darada, xasaradaha siyaasadeed iyo burburka dhaqaale ee dalka wajahayo.

"Hal sano ayaa kasoo wareegatay markii 20-dii September, 2020, uu baarlamaanka federaalka meelmariyey heshiiska doorashooyinka dadban. Sanad kadib, doorashadii waxay ku jirtaa hubanti la’aan," ayuu Guuleed ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Twitter-ka.

Guuleed oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas wuxuu sii raaciyey: "Siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha Soomaaliya waxay ku jiraan khatar. Madaxweynaha waqtigu ka dhacay ayaa mas'uul ka ah. [Farmaajo] wuxuu ka baqayaa [in uu doorasho galo]".

Qoraal kale oo isla Twitter-ka uu ku daabacay ayuu ku sheegay in Farmaajo uusan tanaasul diyaar u ahayn. Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayuu ku tartarsiiyey in uu waddanka si deg-deg ah ugu jiheeyo doorashooyin loo dhan-yahay.

Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys masiir ah kaasoo ay qaabka uga gudubto ku xiran tahay mustaqbalka jiilka cusub iyo dowladnimadda. Haddii uu sii jiitamo is-qabqabsiga haatan jira waxaa laga cabsi qabaa in ay soo farageliso beesha caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM