Walaac laga muujiyey nooca doorasho ee ka bilaabatay dalka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharax Cabdikariim Xuseen Guuleed oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa welwel ka muujiyey nooca doorasho oo ka bilaabatey gudaha Soomaaliya.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Sahan ayaa ku baaqay in muhiim ay tahay in la ilaaliyo dimuqraadiyaddiisa iyo hufnaanta hay’addihiisa heer maamul gobolleed iyo heer Dowlad dhexe.

"Mashruuca doorashadu inuu noqdo mid haggaagsan waxaa la galiyay xoog, xoolo iyo xikmad. Bishii April ee sanadkaan, dad qiimo badan ayaa nooga dhintay iyagoo radinaya in dalkaan loo ilaaliyo dimuqraadiyaddiisa iyo hufnaanta hay’addihiisa heer maamul gobolleed iyo heer Dowlad dhexe," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray hadalkiisa: "Waxa intaas oo dhan loo bixinayay waxey aheyd in muwaadiniintu helaan xuquuq siman oo xaga tartanka ah iyo iney doorashadu noqoto mid ka hufan".

"Cinwaankeenii ahaa in dalka ay ka dhacdo doorasho hufan, dhexda taala, oo loo dhanyahay. Kalmadahaasi ma’aheyn kuwo loogu dan lahaa qof gooni ah ee waxaa loo socday guud ahaan mashruuca iyo maamulka doorashada," ayuu raaciyey.

Guuleed oo horey u soo noqdey madaxweynaha Galmudug ayaa xusay "Dhammaanteenna masuuliyad ayaa naga saaran hubinta, hagaajinta iyo hirgalinta doorasho lagu qanci karo natiijadeeda".

"Madaxda Dowlad Gobolleedyada, ra’iisul wasaraha, beesha Caalamka iyo dhammaan saamileyda siyaasadda waxaan ugu baaqaya iney dib u eegis lagu sameeyo sida ay hada wax ku socdaan, taas oo hadii aan la sixin dhaawici karta kalsoonidii lagu qabay in xilligan adag looga gudbo is ogol iyo doorasho la isku raacsan yahay," ayuu kusoo xiray.

Soomaaliya ayaa haatan ku guda jirta soo xulashada kuraasta Aqalka Sare. Afarta maamul goboleed Koonfur Galbeed, Jubaland, Galmudug iyo Puntland way doorteen. Kaliya HirShabellle ayaa harsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM