Guuleed oo wareegto ku joojiyay shaqadii hay'adaha Galmudug

Image

CADADO, Somalia- Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa soo saaray wareegto uu ku hakinayo shaqada maamulkiisa.

Guuleed ayaa sheegay in tallaabadaas u sameeyay qaabkii loogu diyaar garoobi lahaa doorashada labada Aqal ee Barlamanka Federaalka Somalia.

Wuxuu ka codsada golaha Fulinta, Sharci dajinta iyo hay'adaha kale ee Galmudug inay u hogaansamaan amarkan oo dhaqan galay maanta.

Tallaabadan ayaa Guuleed Ku dhaqaaqay xilli walaac laga qabo doorashada Somalia oo muddo kordhin kale lagu sameeyay.

GAROWEONLINE

Related Articles