Hadal jeedinta Musharaxiinta Gudoomiyaha BFS oo lasoo afjaray [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta lasoo gaba-gabeeyay khudbadaha Musharaxiinta u taagan xilka Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa dhageystay Khudbadaha shan Musharax oo uu kamid yahay Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, kuwaasi oo kamid ah 11 Musharax, oo iskusoo soo taagey xilka Afhayeenka gollaha.

Musharraxiinta Maanta hadalka jeediyey ayaa soo bandhigay barnaamijkooda Siyaasadeed, Taariikhdooda nooleed, Khibradahooda shaqo si ay u helaan codadka iyo Kalsoonida Xildhibaannada.

Shanta Musharrax ee hadlay ayaa waxay kala ahaayeen:

1- Xildhibaan Sarreeye Gaas Shariif Sheekh Maye

2- Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan

3- Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla

4- Xildhibaan Maxamuud Macallin Yaxye

5- Xildhibaan Iimaan Cabdullaahi Cali

Doorashada guddoomiyaha Gollaha shacabka ayaa la filayaa in la qabto 30-ka bishan oo ku beegan Isniinta soo socota, iyadoo tartanka ay ka qeyb-galayaan 5 Wasiir oo iska-casilay xilalkii ay ka hayeen Xukuumadda.

Musharaxiinta ayaa ah dhamaan Xildhibaanno laga soo doortey Koonfur Galbeed, waxaana ay u tartamayaan Kursiga uu iska-casiley Maxamed Cismaan Jawaari 9-kii bishan, kadib Mooshin laga keenay oo abuuray Khilaaf mudo bil ah taagnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM