Hadaladii horey looga faafiyey ciidanka lagu tababaray Eritrea

Image
Soo celinta askartan ayaa timid maalin kadib markii boqolaal dhalinyaro dibada loo qaadey.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qeybtii ugu horeysay ee ciidamadda Soomaaliya loogu tababaray Eritrea ayaa Arbacada maanta ah kasoo degay Muqdisho, sidda ay sheegtay dowladda federaalka ah.

Wasiirka gaashaandhiga Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa daaha ka rogay in askartan ay "dhiig cusub" ku shubi doonan dagaalanka ka dhanka ah maleyshiyada Al-Shabaab.

Balse, Mr Nuur ma uusan shaacin tirada askarta soo laabatay, halka la dejiyay iyo goobta ay rasmi ahaan ku biiri doonan howlgaladda ka soconaya qaybo kamid ah waddanka.

Soo laabashadda ciidamadan ayaa meesha ka saareysa tuhun iyo warar kala duwan oo ay horey uga faafiyeen siyaasiyiin kuwaasoo qaarkood ay haatan xilal sar-sarre ka hayaan dowladda dhexe.


June 10, 2021

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri: "Dhalinyarada Eritrea loo xaabiyey waa la qaldey; waa la iibsadey. Aksum ayey ka dagaalameen, Makala lagu laayey".

January 18, 2021 

Gaasimaha NISA, Mahad Maxamed Salaad ayaa yiri: "Waa arrin aad u foolxun, murugo iyo uurkutaalana ku beertay ehelada caruurtooda lagu xasuuqay dagaalka Itoobiya ka holcaya".

January 18, 2021

Wasiirka arrimaha gudaha, Axmed Macalin Fiqi, ayaa yiri: "Waalidiinta waxaa loo sheegay in caruurtooda loo qaadey Eritrea ay ka dagaalameen Itoobiya halkaasna ay tirro badan ku dhinteen".

December 9, 2021

Ergayga abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa yiri: "[Dhalinyaradda loo qaadey Eritrea] iyagoo ajnabi u diriraya ayey dhinteen, halka kuwa kale ay ciqaab, cudur iyo gaajo dishay".


Soo celinta ciidamadda ayaa sidoo kale waxay kusoo hagaagaysaa maalin kadib markii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay ka dhooftey diyaarad ay saarnaayeen boqolaal dhalinyarro ah.

Dowladda federaalka ayaan wali fahfaahin ka bixin dhalinyaradaas. Wararku waxay xusayaan in ay tababar u aadeen dalka dibadiisa. Tafaasiisha horudhac ah waxay xusayaan in loo diray dalka Eritrea.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM