Hadaljeedinta musharaxiinta madaxweynaha oo bilaabanaysa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho waxaa maanta ka bilaabaneynsa hadal-jeedinta musharixiinta madaxweynaha, iyada oo maanta khudbadadooda la dhageysan doono illaa 20 musharrax oo ka mid ah 39 is-diiwaangeliyey.

Musharixiinta hadlaya ayaa la siiyey min 15 daqiiqo, si ay uga warramaan taariikhdooda, barnaamijkooda siyaasadeed iyo ballan-qaadkooda ku aadan, haddii xilka loo doorto.

Ammaanka xerada ayaa si weyn loo adkeeyey, iyada oo lagu wareejiyey ciidamada howlgalka ATMIS, ex AMISOM si ay u sugaan amniga inta ay socota doorashada.

Afhayeenka guddiga isku dhafka ah ee doorashada madaxweynaha, Mudane Maxamed Ibraahim Macallimu oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa ka dalbaday xubnaha musharixiinta ah inay waqtiga ilaaliyaan, isla-markaana ay goor hore gaaraan gudaha xerada Afisyooni.

"Waxaa billaabaneysa hadal jeedinta musharixiinta oo ka dhaceysa teendhada Afisiyooni, musharax weliba waxaa loo qorsheeyay 15 daqiiqo, qof weliba waa in uu ilaaliyaa waqtiga uu ku qoran yahay, waxaana aad u muhiim ah oo qof weliba lagula xisaabtamayaa waqtigaas” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimu oo ka tirsan guddiga.

Sidoo kale qaybta labaad ee hadaljeedinta ayaa dhaceyso beri oo Khamiis ah, kuna beegan 12-ka May, waxaana khubadahooda jeedinayo madaxdii hore oo uu ku jiro Farmaajo.

Doorashada madaxweynaha oo loolan adag loo gali doono ayaa lagu wadaa inay qabsoonto maalinta Axada ah ee soo socota, kuna beegan 15-ka bishaan May ee 2022-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM