​Hakad galay duulimaadyadii garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Howlaha Garoonka Diyaaradaha Muqdishu ayaa saakay hakad ku jiro, kadib markii Shirkada maamusha Garoonka ee FAVORI L.L.C ay lacago xad-dhaaf ah kusoo rogtay Diyaaradaha.

Mid kamid ah Mas'uuliyiinta Shirkadaha Diyaaradaha, oo magaciisa ka gaabsaday, ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in ay sameeyeen Shaqo joojin ay uga cabanayaan Lacagaha lagu soo rogay.

Wuxuu sheegay in Shirkada maamulka Garoonka Aadan Cadde FAVORI ay kordhisay lacagaha ay ka qaadi jirtay Diyaaradaha isticmaala Garoonka, taasina ay keentay inay joogsato Howlihii socday.

Shirkada FAVORI oo ah Shirkada si gaar ah loo leeyahay, oo fadhigeedu yahay dalka Turkiga ayaa soo saartay amar ah in Diyaaradaha sameeya Duulimaadyada Dibada bixiyaan$30, halka ay hore u bixin jireen $20.

Sidoo kale, FAVORI ayaa sheegtay in Diyaaradaha Duulimaadyada Gudaha laga rabo $20, halka horey looga qaadi jiray lacag dhan $10.

Si kastaba, Duulimaadkii Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa Saakay Hakad ku jira, waxaana taasi ay saamaysay dad badan oo Rakaab ah, oo ku qornaa inay maanta Muqdishu ka dhoofaan.

Shirkadda FAVORI ayaa maamulka howlaha Garoonka Aadan Cadde kala wareegtay SKA, kadib heshiis Faai'do qeybsi la gashay xukuumadda Somalia.

FAVORI LLC ayaa leh 51% Lacagaha laga qaado Diyaaradaha Garoonka Muqdishu isticmaala, halka dowladda Somalia leedahay 49%, waxaana taasi ay keentay in FAVORI ay adeegsato awoodo dheeri ah.

Arrintan wali kama aysan hadlin xukuumadda Somalia ee waqtigu ka dhammaaday iyo waliba maamulka guud ee Aadan Cadde Airport.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM

Midowga Africa oo Shir degdeg ah ka yeeshay go'aanka uu Mareykanku ku jaranayo dhaqaalaha howlgalka Soomaaliya

Mareykanka ayaa sheegay inuu tan iyo sannadkii 2007 ku bixiyay ku dhowaad $2 bilyan taageerada AMISOM iyo ATMIS.

  • Soomaliya

    03-07-2026

  • 04:25PM