Hal qof oo ku dhintey qarax caawa Muqdisho ka dhacay

Image

March 11, 2015 (GO)- Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qarax caawa ka dhacay meel u dhow Hotel Maka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho.

Hal qof ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhintey qaraxa labo kalena ay ku dhaawacmeen. Qofka dhintey ayaa ahaa askari ka tirsan ciidamada booliska halka labada kale ee dhaawacantey yihiin dad rayid ah oo xilligii qaraxu dhacayey goobta ka ag dhowaa.

Sarkaal ka tirsan nabadsugidda ayaa Garowe Online u xaqiijiyey in gaariga qarxay ahaa mid ciidamada ammaanku ku raad joogeen kaasoo lagu guuleystey in la joojiyo kahor intii aanu gaarin halkii yoolkiisu ahaa.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkan, bale weerarro caynkan oo kale ahaa oo horay Muqdisho uga dhacay ayaa waxaa mas'uuliyaddooda sheegtay ururka Al-shabaab.

Labo mar oo hore ayaa gawaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa waxaa lagu soo weeraray Hotel Maka Al-mukarrama oo ah hotel ay deggen yihiin mas'uuliyiin badan oo dowladda ka tirsan iyo dad qurbe joog u badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM