Hal qof oo ku dhintey qarax caawa Muqdisho ka dhacay

Image

March 11, 2015 (GO)- Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qarax caawa ka dhacay meel u dhow Hotel Maka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho.

Hal qof ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhintey qaraxa labo kalena ay ku dhaawacmeen. Qofka dhintey ayaa ahaa askari ka tirsan ciidamada booliska halka labada kale ee dhaawacantey yihiin dad rayid ah oo xilligii qaraxu dhacayey goobta ka ag dhowaa.

Sarkaal ka tirsan nabadsugidda ayaa Garowe Online u xaqiijiyey in gaariga qarxay ahaa mid ciidamada ammaanku ku raad joogeen kaasoo lagu guuleystey in la joojiyo kahor intii aanu gaarin halkii yoolkiisu ahaa.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkan, bale weerarro caynkan oo kale ahaa oo horay Muqdisho uga dhacay ayaa waxaa mas'uuliyaddooda sheegtay ururka Al-shabaab.

Labo mar oo hore ayaa gawaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa waxaa lagu soo weeraray Hotel Maka Al-mukarrama oo ah hotel ay deggen yihiin mas'uuliyiin badan oo dowladda ka tirsan iyo dad qurbe joog u badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM