Halkee ku dambaysay Dacwadii loo haystay Cabdiraxmaan Cabdishakuur?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa markii ugu horeysay ka baxay dalka, iyadoo horey dowladda kusoo rogtay xayiraad ahayd inuusan ka dhoofi karin Muqdisho.

Siyaasigan, oo si joogta ah u dhaliila Siyaasadda Villa Soomaaliya ayaa bogiisa Facebook soo geliyay shalay Sawir isagoo ka fadhiya gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, kana muuqday wajigiisa dhoola-caddeyn iyo farxad.

Cabdiraxmaan ayaa u ambabaxay magaalada Nairobi, ee xarunta dalka Kenya safarkiisii ugu horeeyay oo dalka uga baxo mudo bilooyin ah.

Wali dowladda Federaalka si rasmi ah uma shaacin inay xayiraadda ka qaaday Cabdiraxmaan Cabdishkuur, balse warar hoose oo Warsidaha Garowe Online uu helay aya sheegay in Dacwadiiisii ka taallay Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir la baabi'iyay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye

Macluumaadka GO ayaa intaasi ku daraya in Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, oo qaraabo dhaw yihiin Siyaasigan Kiiskiisa gebi ahaan la baabi'iyay, islamarkaana laga qaado xayiraadda safarka.

Warar ayaa sheegay in dowladda ay bixisay magdhawga Lix qof oo ku dhintay weerarkii Ciidamada Nabad Sugida ku qaadeen 17-kii bishii December Hoyga Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu ka degan yahay Muqdisho, kaasi sidoo kale isagana lagu dhawacay.

Shan kamid ah lixda qof waxay ahaayeen Askar illaalo u ahayd Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo kamid ahaa musharaxiintii la tartamay Farmaajo doorashadii madaxtinimada Febuary 8, 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM