Halkuu ku dambeeyay Khilaafkii Xaaf iyo Villa Soomaaliya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf ayaa sheegay in isaga iyo madaxweyne Farmaajo oo deeggaanada Galmudug safar dhulka ah ku soo maray ay ku guuleysteen inay dib-u-heshiisiin dhex-dhigaan beello xurgufo ay ka dhaxeeyaan oo ku nool deeggaanada Galmudug.

Xaaf oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa sheegay sidoo kale, in isaga iyo madaxweyne Farmaajo ay isla oggolaadeen in degmada Cadaado ay sii ahaato xarunta baarlamaanka Galmudug, kadib markii ay sidaas codsadeen dadka degan Cadaado.

Madaxweyne Xaaf, ayaa dhinaca kale wareysigan uga hadlay khilaafkii isaga iyo madaxtooyada Villa Soomaaliya kala dhaxeeyay ee ku aadaanaa arrinta Khaliijka, oo Galmudug la safarat Sacuudiga iyo Xulufadiisa.

Wuxuu sheegay in sababta uu u aaday Imaaraadka ay ahayd inuu mashaariic horumarineed uga soo helo deegaanada Galmudug, isagoo xusay in wixii khilaaf ah ee isaga iyo Villa Soomaaliya soo kala dhexgalay ay ka heshiiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM