Halkuu ku dambeeyay Khilaafkii Xaaf iyo Villa Soomaaliya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf ayaa sheegay in isaga iyo madaxweyne Farmaajo oo deeggaanada Galmudug safar dhulka ah ku soo maray ay ku guuleysteen inay dib-u-heshiisiin dhex-dhigaan beello xurgufo ay ka dhaxeeyaan oo ku nool deeggaanada Galmudug.

Xaaf oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa sheegay sidoo kale, in isaga iyo madaxweyne Farmaajo ay isla oggolaadeen in degmada Cadaado ay sii ahaato xarunta baarlamaanka Galmudug, kadib markii ay sidaas codsadeen dadka degan Cadaado.

Madaxweyne Xaaf, ayaa dhinaca kale wareysigan uga hadlay khilaafkii isaga iyo madaxtooyada Villa Soomaaliya kala dhaxeeyay ee ku aadaanaa arrinta Khaliijka, oo Galmudug la safarat Sacuudiga iyo Xulufadiisa.

Wuxuu sheegay in sababta uu u aaday Imaaraadka ay ahayd inuu mashaariic horumarineed uga soo helo deegaanada Galmudug, isagoo xusay in wixii khilaaf ah ee isaga iyo Villa Soomaaliya soo kala dhexgalay ay ka heshiiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM